Waanu dhowraynaa soomalida Daraaman!

Mahamud Ismail, Musharax 11.
Foto: Nina Holtan

Halkan ka akhri kiisaskayaga ugu muhiimsan.

Dadku waa inay guraha u sinaadaan!

Xisbiga Venstre wuxuu rabaa in dhamaan dadka ay lahaan karaan ama kiraysan karaan guri uu dhaqaalahoodu saamaxayo, kuna haboon baahidooda. Taasi waxay gaar ahaan u khusaysaa dadka aan heli karin guryaha degmooyinku bixiyaan. Misana aan haysan qaybta lacageed ee ku soo hagaageysa marka suuqa iibka gurayaha la gelayo. Waxaanu rumaynaynaa in dadkaasi fusad fiican ka helaan suuqa gaarka loo leeyahay ee guryaha. Isla markaana ay urursan karaan lacag ay guri ku gataan haday rabaan in ay guri gataan.

Qof waliba waa inuu shaqo helaa

Venstre waxay rabaan in la helo fursad dadku waxbarashadooda kor ugu qaadayaan oo ku haboon cid walba. Way dhib badan tahay in dadka waawayni shahaado xirfadeed ku qaataan tacliinta caadiga ah, iyagoo isla markaana haysta shaqooyin caadi ah oo ay lacag ka helaan. Sidaa awgeed waxaan rabnaa in la helo fursado aqoonta kor loogu qaadayo, oo uu dhigan karo qofku isagoo shaqaynaya qoysna ah. Iyadoo wada shaqayn lala samaynayo iskuulada sare, tusaale ahaan gelinka danbe iyo galabnimadii.

Luqada oo lagu baranayo shaqada

Ajinebigu waxay luqada baran ogyihiin markay ka shaqaynayaan goob shaqo oo noorwiigi lagaga hadlayo, way ku tababaranayaan luqadii maalin walba. Halkii ay ka sugugi lahaayeen uun in ay dhigtaan iskuulka luqada, oo sugaan in ay shaqo helaan markay luqada si fiican u bartaan. Venstre waxay sidaa awgeed abuurayaan fursado shaqooyin si dhakhso ah loogu helo, inyadoo qofku aanu luqada si fiican u aqoon. Oo uu luqadiina dhigto isagoo shaqaysanaya.

Indhalinyarada kagu soo celiyo iskuulada

Dhalinyaro badan ayaa nasiib daro ka hadha dugsiyada sare iyagoo aan dhamayn. Venstre waay rabaan in lahelo fursdo keenaya in si fudud loogu soo geli karo markale nidaankii tacliinta.

La dagaalanka cunsuriyada iyo midab kala sooca

Venstre waxay rabaan in dadku fursadaha u sinaadaan. Sidaas daraadeed waxaanu samaynaynaa talaabooyin lagaga hortegayo in dadka lagu cunsuriyadeeyo, magacooda markay shaqo dalbadaan. Ama midabkooda ama dhaqankooda iyo waxyaalo kaleba.

Sidee baad ugu codeyn kartaa Venstre iyo anigaba?

Waad sii codeyn kartaa laga bilaabo 10 bisha agust. Waxaad kaloo codeynkartaa maalinta doorashada 11 september. Ogow meesha kuugu dhow ee aad ka codeyn karto, iyo waxaad u baahan tahay in aad sii qaadato. www.drammen.kommune.no/valg

Doorasho wanaagsan!